Naga warran · About Dheef
Akhris, bilic, iyo dareen dhammaystiran.
Kabashada qaxwadaada, carfta ubaxaaga cusub, iyo bogga cusub oo aad rogtid — waa khibradda cusub ee aad u xaq leedahay.
Gudaha Dheef waxaan aaminsanahay in akhrisku uusan ahayn oo kaliya waraaqo la rogo, balse uu yahay nolol iyo dareen dhammaystiran. Waxaan magaalada Garowe u keenay khibrad cusub oo isku dhafaysa:
Buugaagta Xulka Ah
Safar aqooneed oo maankaaga quudiya.
Ubaxyada Cusub
Bilic iyo udgoon farxad ku daraya hadyadaada ama miiskaaga.
Qaxwada & Shaaha Beydan
Kabbadaada ugu macaan ee nasashada iyo akhriska.
Kusoo dhowow xarunta Dheef Books ee Beydan Coffee — goob loogu talagalay in lagu helo dareen cusub, nasasho buuxda, iyo jacaylka aqoonta.

Erayga Aasaasaha
“Akhrisku maaha oo kaliya waraaqo la rogo — waa nolol iyo dareen.”
Dheef waxaan u aasaasnay in aan akhriska, bilicda, iyo nasashada isku meel keenno — goob dadku ku helaan buugaag xul ah, ubax cusub, iyo qaxwo macaan, iyagoo dareemaya jacaylka aqoonta.
Mohamoud Hassan
Founder & CEO, Dheef Books LLC
